Guddoomiyaha Baarlamanka oo ka hadlay dilkii ugu horeeyey oo Mudane ka tirsan Xildhibaanada oo Muqdisho lagu dilay.
Soomaalinews.com 23 Sep 12, 07:35

Kadib markii xalay magaalada Muqdisho lagu dilay Xildhibaankii ugu horeeyay ee ka tirsan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kaas oo ay toogteen kooxo hubeysan, waxaana dilka xidlhibaanka ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mustaf Xaaji Maxamed, waxaana lagu dilay xildhihaanka xaafadda Cali Boolaay ee degmada Waaberi, iyadoo xildhibaanka la toogtay xilli uu ka soo baxayey Masaajid uu ku dukaday salaaddii Maqribka, iyadoo dilkiisa ay fuliyeen 4-ruux oo bastoolado ku hubeysnaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay dilka xildhibaankan, wuxuuna sheegay inuu falkaasi cambaareynayo, isla markaasna uu ka xunyahay dilka loo geystay xildhibaanka, isagoo intaasi ku daray inaysan cabsigelin doonin sida uu yiri dilalka iyo qaraxyada ka dhacaya Muqdisho, howshooduna ay sidooda u wadan doonaan, wuxuuna ugu baaqay dowladda inay ammaanka wax ka qabato.

Ugu danbeyntii dilka Xildhibaankan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dorraad qarrax ay dad badan ku dhinteen uu magaalada Muqdisho ka dhacay, kaas oo ay ku dhinteen wariyayaal, saraakiil ciidan, shaqaale ka tirsanaa shaqaalaha dowladda Soomaaliya iyo dad rayid ah, waxaana ka sii dareysa xaaladda amni xumo ee Muqdisho oo labadii tobabaad ee tagtay ay ku soo badanayeen dilalka, dhaca, boobka iyo qaraxyada kala duwan ee loo geysanayo dadka u shaqeeya dowladda iyo dad kale oo shacab ah.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698