Diyaaradaha dagaalka Kenya oo duqeyn ka geystay deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.
Soomaalinews.com 23 Sep 12, 06:59

Wararka naga soo gaaraya gobolka J/hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan goblkaasi, kuwaas oo aan la ogeyn khaasaraha ay geysteen, waxaana la sheegay in illaa sedex gooboob oo gobolkaasi ku yaala ay duqeeyeen diyaaradahaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeyntaasi ka dhacday deegaano ka tirsan gobolka J/hoose, waxayna wararkaasi qaarkood ay sheegayaan in duqeyn ka dhacday deegaanka Buula-guduud oo 30-km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose ay dhowr ruux ku dhimatay kuwaas oo aan la ogeyn inay rayid yihiin iyo in kale.

Sidoo kale duqeyn taasi la mid ah ayaa ka dhacday agagaarka deegaanka birta deer ee gobolkaasi halkaasi oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa huwanta ee isugu jira 3-da qeybood, lamana oga in wax khasaare ahi ka dhashay weeraradaasi iyo in kale, waxaana la sheegay in illaa 3-jeer ay duqeyntu ka dhacday goobtaasi taas oo ay warar kala duwan sheegayaan in ugu yaraan 6-ruux ay ku geeriyootay weerarardaasi, waxaana ku dhawacmay tiro intaasi ka badan.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dooday in weeraradaasi dhinaca cirka ah ee ka dhacay deegaanka Buulo-gaduud lagu dilay sida uu yiri 7-ruux oo ka mid ciidamada Al-shabaab, wuxuuna yiri isagoo arrintaasi ka hadlaya uu yiri “Weerarka dhacay shalay galabtii waxaa lagu bar-tilmaameedsaday saldhiggyada Al-shabaab ee gobolka, kuwaas oo lagu dilay 7-ruux oo ka mid ciidamada Al-shabaab” wuxuuna intaasi ku daray in lix gantaal saldhigyada Al-shabaab ay ku dhufteen labo diyaaradood oo uusan sheegin cidda iska leh, sidoo kale Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Birta-dheer ayaa iyana sheegay in duqeyn loo geystay deegaano ka tirsan gobolka laakiin ma sheegin in dad wax ku noqdeen iyo in kale, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al-shabaab oo ku aadan duqeynta.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698