Qaban qaabada aaska saxafiyiintii ku geeriyootay qaraxyadii shalay galab Muqdisho ka dhacay ayaa saaka ka socota magaalada Muqdisho.
Wariyaasha shalay ku dhintay qaraxyadii shalay ayaa waxaa ka mid ah weriye C/sataar Daahir Sabriye oo ka shaqayn jiray Telefishinka qaranka iyo weriye Liibaan Cali Nuur oo isagana ahaa madaxa wararka ee warbaahinta qaranka, iyo C/raxmaan Yaasiin Cali oo ahaa agaasimihii Idaacada VOD sidoo kale waxaa goobta ku ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen weriyeyaal kale oo ka shaqeeya warbaahinta qaranka iyo warbaahinta kale.
Waxaa saaka qeybo ka mid ah Muqdisho ka socda qaban qaabada aaska la doonayao in lagu aaso wariyaashii shalay ku geeriyooday qaraxyadii naxdinta lahaa, sida warkii.com uu u sheegay C/raxmaan Alcadaala oo warbaahinta Qaranka ka tirsan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com