Ra isalwasaare Gaas Oo Goordhaw Shirjaraa id Muqdisho Kuqabtay
Soomaalinews.com 21 Sep 12, 09:31

Ra,isalwasaarihii haatan uu waqtigiisa idlaaday ee Cabduwali Maxamed Cali Gaas oo goordhaw warbaahinta Shirjaraa,id ugu qabtay Xafiiskiisa Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan.


Cabduwali Gaas ayaa waxa uu kahadlay Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay kadhacay Dagmada Xamarweyne gaar ahaan daarta dheer ee Hooyooyinka Maqaaxi kutaalay oo laga shaaho halkaas oo ay ku geeriyoodeen dadbadan oo ay kujiraan waryaal iyo Shacab haba badnaadaaneen Shacabka.


Waxa uu canbaareeyay falkaasi waxaana uu kutilmaamay mic waxuushnimaa oo ay sameeyeen sida uu sheegay dad wax magarata ah waxana uu uga tacsiyeeyay dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday eheladii iyo asxaabtoodiiba waxaana uu alle ug baryay in uu naxariistiisa siiyo.


Isagoo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu sheegay in shabaab markii looga soo adkaado jiida hore ee dagaalka ay wax yeeleenaan dadka shacabkaa sida uu sheegay waxana uu intaa siidaba dhigay in Al-Shabaab uu haatan waqtigoodii dhamaaday inta hartayna ay israacin doonaan sida uu sheegay Gaas.


Dhanka kala waxa uu ka hadlay Ra,isalwasaarihii haatan uu waqtigiisa idlaaday ee Cabduwali Maxamed Cali Gaas in waqtiyada soo aadan ee maatan uu kadhoofi doono Garoonka Muqdisho waxaana uu u anbabixui doono Dalka Mareekanka halkaaso oo uu sheegay in uu kulan kaga qeeb qaadanaayo.


Waxa uu sheegay Cabduwali Gaas in kulankaas uu u aadayo Dalka Mareekanka uu yahay sida uu sheegay mid looga hadlaayay arimaha Dalka Soomaaliya uuna aadidoono waqtiyada soo aadan ee maantaa si uu kulan kaas kaga qeebqaato looga hadlaayo arimaha Soomaaliya.


Inta badan Madaxda Soomaaliyeed waxa kaliyah ay canbaareeyaan markii ay dhacaan falal lagu dhibaateynayo dadka shacabkaa ama dadka waxtarka u ah umada Soomaaliyeed iyagoona markasta sheega in ay wax ka qabanayaan islamarkaana aysan haatan muuqan wax cad oo ay ka qabteen arimahaas.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698