Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraaid ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inaysan ogolaan doonin in Sharafta Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore Soomaaliya meel uga dhacdo dowladda Kenya.
Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku tilmaamay warka ka soo baxay wasiirka Arrimaha Dibada Kenya oo ahaa in qaraxii ka dhacay Hotel Jaziira uu ka danbeeyay Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed mid ka fog xaqiiqda oo laga bad badiyey.
“Waa ayaan daro warkaas Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ka soo baxay, dowladda Kenya waan la xiriiray waxayna ii sheegen in warkaasi uusan jirin, Wasaarada Arrimaha Dibadana ay jawaab ka bixin doonto maanta” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Prof: Xasan Sheekh Maxamuud.
Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay in Shariif Sheekh Axmed uu soo qabtay talaadii ugu saraysay ee dalka, marna ma ogolaan doono in Shariifta meel looga dhac xil ayaana naga saaran ilaalintiisa iyo sumcadiisa.
Ugu danbeyntii hadalkan ayaa imaanaya xili warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaysa Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya Sam Ongeri ay baahiyeen in shariif Sheekh Axmed ka masuul ahaa weerarkii qaraxyada ahaa ee ka dhacay Hotel Jaziira, kaasoo masuuliyadiisu ay sheegteen dagaal yahanada Xarakada Alshabaab.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com