Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa jawaab kulul ka bixiyey weerar afka ah oo maalintii shalay Wasiirka Arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri ku qaaday.
Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada wax lagu qoslo, kuna hadlin masuul Dowladdeed, isagoo sheegay in Dowladda Kenya ay ka horjeeday in mar kale loo soo doorto Madaxweynaha Soomaaliya intii lagu jiray doorashadii dalka.
Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed wuxuu shaaciyey in hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya uu yahay mid lagu damacsan yahay in lagu qalqal galiyo Hanaanka Cusub ee nabada soomaaliya u bilowday.
“Kama aamusi dooni wixii xiligan ka dambeeya eedeyn kasta oo iiga timaada wadamada dhibaatada ku haya Dalka Soomaaliya” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan caqliga saliimka ah ee qofka bani’aadamka ah galin inuu gacan siiyo Xarakada Alshabaab oo uu tilmaamay inuu la galay dagaalo culus oo sababay in laga saaro Magaalooyinka Muqdisho, Afgooye, Balcad, Marka iyo meelo kale.
Ugu danbeyntii hadalka Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu jawaab kulul u yahay hadal maalintii shalay ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya oo ku eedeeyey in shariif uu ku tuhmayo qaraxii ka dhacay Hotel Jaziira ee lagu dili lahaa Madaxweynaha Cusub Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com