Askari Itoobiyaan ah oo ku dhintay qarax Miino oo lala beegsaday maanta.
Soomaalinews.com 18 Sep 12, 10:07

Hal askari Itoobiyaan ah ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay tiro kalena ku dhaawacmeen qarax Miino oo lala beegsaday Maanta ciidamadaasi oo marayay bartamaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay.

Sida ay dad goobjoogayaal ah ku soo waramayaan qaraxa ayaa lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah waxaana ku dhintay qaraxa hal askari.

Rasaas ay fureen qaraxa kadib Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa ku dhaawacmay dad shacab ah oo ka agdhawaa goobtii lagu qarxiyey kolonyada Ciidamada Itoobiyaanka ah.

Ciidamo Itoobiyaan ah oo goobta gaaray ayaa waxay halkaasi ka sameeyeen howlgalo baaritaano ah, lamana ogay inay dad ku soo qabqabteen howlgaladaasi qaraxa kadib ay fuliyeen ciidamada itoobiyaanka ah ee maanta qaraxa lagula eegtay Bartamaha Magaaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698