Xuseen Carab xiise oo ku eedeeyey Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya inuu iska horkeenayo Madaxdii hore iyo Madaxda Cusub.
Soomaalinews.com 18 Sep 12, 09:17

Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibedda Kenya Sam Ongeri oo sheegay in qaraxii ismiidaaminta uu ka dambeeyey madaxweynihii hore Sheekh Shariif inuu ahaa hadal lagu yaqyaqsoodo, oo meel ka dhac ku ah dimblumaasiyada, wuxuuna xusay in wasiirka Kenya uu yahay shaqsi siyaasada ku kufay mar haddii ay ka soo yeereen hadalo iska horkeen ah.

“Wasiirka arrimaha dibedda Kenya hadalka ka soo yeeray waa hadal meel ka dhac ku ah dhaqanka diblumaasiyadda, ujeedada uu ka lahaana waxey aheyd inuu Soomaalida isku diro” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise, wuxuuna intaa ku daray sababta uu ku maagay wasiirka madaxweyne Sheekh Shariif in ay tahay in madaxweynuhu marar badan uu gaashaanka u daruuray inuu saxiixo duulaanka Kismaayo ee ay horkacayaan ciidamada Kenya iyo ciidamo beeleeedka Azaaniya, wuxuuna aaminsanaa madaxweynaha in weerarka Kismaayo ay ka qeybqaataan ciidamo dowladda Soomaaliya ka tirsan, oo aan la gelin Kismaayo ciidamo shaati beeleed sita.

“Sheekh Shariif wuxuu ahaa mas’uul ka soo horjeeday in Kenya ay la wareegto Kismaayo, wuxuuna aaminsanaa in ciidan Soomaaliyeed ay magaaladaasi la wareegaan, Kenya raali kamna aheyn inuu xukunka ku soo laabto, waayo wuxuu ka horyimid qorshahoodii, waana qorshaha hadda socda sidaa daraadeed mas’uulka cusub ee madaxweynenimada Soomaaliya la wareegay inuu yiraa ciidan Soomaaliyeed waa in ay magaaladaasi galaan” ayuu yiri Xuseen Ciise Carab, wuxuuna u soo jeediyey dowladda Kenya in ay raaligelin ka bixiso hadalada gefka iyo ihaanada ah ee uu geystay wasiirka arrimaha.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698