Ciidamada dowladda Sacuudiga ayaa xabsiga dhigay Haweeney Soomaali ah oo dishay Ninkeeda, kadib markii muran iyo is qabqabsi soo kala dhexgalay iyada iyo seygeedii ay dishay.
Wararka ka imaanaya Magaalada Jidah ee Boqortooyada dalka Sacuudiga ayaa sheegaya in Ciidamada Amaanka ay xabsiga u taxaabeen Haweeney Soomaali ah oo dishay Ninkeeda.
Saraakiisha Ciidamada Amaanka magaalada Jidah ayaa sheegay in haweeneydaasi dilka Seygeeda u adeegsatay Mindi, waxayna ku guuleysteen Ciidamada amaanka inay soo qabtaan haweeneydaasi.
Taliyaha Ciidamada amaanka Jidah Gen: Misfer Al-Jaacid ayaa sheegay intii gacanta ku soo dhigin haweeneyda ay soo wargeliyeen dadka deegaanka.
Ugu danbeyntii wararka la isla dhexmarayo ee dilka haweeneydaasi Seygeeda ayaa la tilmaamayaa inuu sabab u yahay maseyr ay ka maseyrtay naag kale oo uu Ninkeeda ku qabay Magaalada Jidah ee Dalka Sacuudiga.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com