Maamulka Somaliland ayaa waxa uu aad u soo dhaweeyey hadal ka soo baxay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud kaasoo ahaa inay sii wadayaan wada hadaladii u dhaxeeyey Maamulkaasi iyo Dowladdii waqtigeedu dhammaaday ee KMG ahayd.
Wasiirka Arrimaha Dibada Maamulka Somaliland Maxamad Cabdullaahi Cumar oo la hadlay saxaafada ayaa wuxuu sheegay in ay soo dhawaynayaan hadalkii ka soo baxay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in halkiisa ay ka sii wadayaan wada hadalada isagoo sheegay in taasi ay dan u tahay Soomaalida oo dhan.
Maxamad Cabdullaahi Cumar wasiirka Arrimaha Dibada waxa uu sheegay inay wada hadalada ay yihiin kuwo wanaagsan oo muddan in la taageero natiijada ka soo baxdana la soo dhaweeyo.
Ugu danbeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey wada hadalada lagu mideynayo Somaliland iyo Soomaaliya kuwaasoo ay horay u bilaabeen dowladdii hore, isaguna diyaar u yahay in la sii dhamaystiro wada hadaladaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com