Bandow ka dhaqan galay Xaafada Suuqa Xoolaha Degmada Huriwaa.
Soomaalinews.com 18 Sep 12, 07:31

Ciidamada dowladda ayaa bandow xalay waxay ka dhaqan galiyeen Xaafada Suuqa Xoolaha degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Bandowga xalay ayaa waxa uu ka dambeeyey kadib markii shalay gelinkii dambe Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda qarax lagula eegtay Xaafada suuqa Xoolaha Degmada Huriwaa ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maaro u waayay sugida amaanka xaafada Suuqa xoolaha oo ka mid ah xaafadaha ugu amaanka xun magaalada Muqdisho.

Ugu danbeyntii lama oga bandowga inta habeen ee uu saarnaanayo Xaafada Suuqa xoolaha oo xalay badnowga si rasmi ah uga dhaqan galay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698