Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo ka digay in la Iibsado Badda Soomaaliya.
Soomaalinews.com 18 Sep 12, 06:09

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka digay in la Iibsado Badda Soomaaliya, isagoo ka codsaday madaxweynaha Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud in Dowladda Kenya aan laga gadin Badda Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Madaxweynaha uu yahay Nin Aqoon leh oo dhalinyaro ah, islamarkaana dhulka Soomaaliya badd iyo bariba gadayn.

Daahir Amiin Jeesoow waxa uu sheegay in laba jeer Baarlamankii hore la soo hordhigay arrinta ku aadan Iibsashada Badda Soomaaliya laakiin la diiday, isagoo sheegay inay hadda dhici karto in mar kale la soo hordhigi doono Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya, kuna ceeboobi doonto ruuxii isku dayaa in la iibiyo badda Soomaaliya.

Ugu danbeyntii Baarlamankii hore KMG ahaa ayaa marar badan la soo hordhigay Ajandooyin ku aadan in Kenya laga Iibiyo Badda Soomaaliya, laakiin xildhibaanadii KMG ahaa ayaa sheegay inaysan marnaba u cuntami doonin in taako ka mid ah dalka Soomaaliya laga Iibiyo dowladd shisheeye.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698