Kooxo hubeysan oo xalay qof rayid ah ku dilay Degmada Wadajir.
Soomaalinews.com 18 Sep 12, 05:59

Kooxo hubeysan ayaa xalay suuqa weyn ee degmada Wadajir ku toogtay qof rayid ah oo la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah.

Laba ruux bastoolado ku hubeysan ayaa la sheegay inay dilka geysteen, markii ay dileen wiilka dhalinyarada ahna ka baxsaday goobta.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta kooxahaasi hubeysnaa u dileen qofkaasi rayidka ah.

Magaalada Muqdisho saacadihii ugu dambeeyey waxaa siyaabooyin kala duwan loogu dilay 6 qofood oo qaarkood ka tirsanaa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698