Dowladda Koonfur Afrika oo ku baaqday in aan la dhibaateyn Karin dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalkaasi.
Soomaalinews.com 15 Sep 12, 05:14

Xilli ay sii kordhayaan dhibaatooyinka loo geesto Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika ayaa war kasoo baxay dowladdaasi waxaa lagaga digay in aan la dhibaateyn karin dadka ajaanibta ah ee ku sugan dalkaasi.

Arintani ayaa ka dambeysay kadib markii golaha wasiirada dalka Koonfur Afrika ay yeesheen kulan xasaasi ah oo looga hadlaayo dhibaatada loo geesto dadka Ajaanibta ah ee ku sugan dalkaasi.

Waxaa la sheegay inay jiraan dhibaatooyin badan oo dadka Soomaalida ah ay la kulmaan hayeeshe kulan ay isugu yimaadeen masuuliyiinta dalka Koonfur Afrika arintaasi looga hadlay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dhibaatooyin kala duwan dadka ajaanibta ah ee ku nool dalkaasi ay la kulmaan islamarkaana ay ka mid yihiin Jirdil, Dhac, Dhaawacyo iyo waxyaabo badan oo kale.

Ugu danbeyntii Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool dad badan oo Soomaali ah iyo sidoo kale ajaanib kuwaasi oo dalkaasi u tagay inay ka shaqeeystaan hayeeshe dhibaatada ugu badan dalkaasi loogu geestay dadka Soomaalida ah ee ku sugan dalkaasi.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698