Faahfaahin ka soo baxaysa dagaalo culus oo shalay Ciidamada Huwanta iyo Xarakada Alshabaab ku dhexmaray Jubada Hoose.
Soomaalinews.com 15 Sep 12, 04:46

Faah faahin ayaa kasoo baxeyso dagaal culus oo shalay ciidamada Huwanta ee Isgabarabsanaya iyo Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray deegaano ka tirsan Jubada Hoose.

Labada dhinac ee dagaalamay ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii ka dhacay Birta-Dheer iyo tuulooyinka hoos yimaada, iyadoona qasaaraha dhimashada dagaalka lagu sheegay afar ruux oo labada dhinac ah iyo dhaawaca lix kale.

Saraakiisha ciidamada Dowlada ayaa sheegay in ay dileen lix dagalayahan oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Dhanka Xarakada alshabaab ayaa iyaguna sheegteen in ay iska difaaceen weerarkii uga yimid ciidamada Dowlada, Ciidamada Kenya iyo Raaskambooni.

Xaalada ayaa saakay yara xasiloon inkastoo laga yaabo in dagaalka uu sii socdo maadaama ay ciiddamada iskaashaanaya duulaan ku yihiin magaalada Kismaayo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698