Xiisado Dagaal Oo Laga Dareemaayo Degaano Hoostaga Magaalada Kismaayo
Soomaalinews.com 14 Sep 12, 09:11

Wararka naga soogaaraya Degaano hoostaga Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi laga dareemaayo xiisado dagaal kaas oo u dhexeeya Ciidamada Dowlada Soomaaliya,Raaskanbooni iyo kuwa Dowlada Kenya oo isku dhinac ah iyo dhanka kale oo ay ka soojeedaan Xoogaga Al-Shabaab.


Xiisadahaan dagaala ayaa waxaa lagu soowaramayaa in ay ka danbeysay kadib markii ay dhaqdhaqaaq sameeyeen Ciidamadaan iskaashanaya kuwaas oo madaafiic kugaraacay sida la tilmaamy goobo fariisin u aheed Xoogaga Al-Shabaab.


Qaar kamid ah dadka degaan ka oo aan la hadalka ayaa waxa ay sheegeen in la maqlaayo madaafiic xoogan kuwaas oo isweedaar sanayaan Ciidamadaan uu dagaalka ka dhaxeeyo hasayeeshee uusan xijirin iska hor imaad toos ah. Sidoo kale dadkaan ayaa waxa ay sheegeen in ay arkayaan diyaaradao dagaal kuwaas oo dulheebaabaya Degaano oo hoostaga Magaalada Kismaayo.


Inkastoo aysan diyaaradahaan wax duqeen ah ka wadin xiligaan halkaasi,Ciidamadaan iskaashanaya ayaa waxa ay doonayaan in ay gacanta ku dhegaan Magaalada Kismaayo iyadoona ay difaac adag ugu jiraan Xoogaga Al-Shabaab in laqabsado Magaalada Kismaayo.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698