Sheekh C/raxmaan Xudeyfi oo ah guddoomiyaha Xarakada Alshabaab ee gobolada Jubooyinka oo boqolaal dadweyne ah kula hadlay fagaare ku yaala magaalada Kismaayo ayaa ku hanjabay in si fudud gacantooda uga baxayn magaaladaasi, isagoo ku dhiirageliyey dadweynaha in ay dagaalamaan.
Guddoomiyaha Xarakada alshabaab gobolka Banaadir ayaa sheegay Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ee duulaanka ku soo ah magaaladaasi inay doonayaan in ay dhacaan oo ay bililiqeystaan hantida dadka Shacabka leeyahay, falal amni dari ahna ka abuuraan magaaladaasi.
Sheekh C/raxmaan Xudeyfi ayaa ka codsaday shacabka magaalada Kismaayo iyo deegaanada kale jubooyinka inay ka qeyb qaataan difaaca Diinta iyo dalka.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Guddoomiyaha Xarakada Alshabaab ee gobolada Jubooyinka ayaa waxa uu Imaanayaa xili Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay sheegeen inay maalmaha soo socda ay gaarayaan magaalada Kismaayo.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com