Markab Hub iyo gawaari gaashaaman u sida ciidamada Naajeeriya oo ku soo xirtay Dekadda Magaalada Muqdisho.
Soomaalinews.com 13 Sep 12, 07:29

waxaa la istaajiyey guud ahaan dhaqdhaqaaqa dekadda magaalada Muqdisho, kadib markii Ciidamada AMISOM ku amreen Ganacsatada, Shaqaalaha iyo dhammaan dadka ku sugan gudaha Dekadda loogu sheegayo inay ka baxaan gudaha Dekadda.

Markab ay galbinayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa ku soo xirtay Dekadda Magaalada Muqdisho, iyadoo ay soo dhammaadeen howlihii dejinta Markab Miletiri ee uu sido Hub iyo gawaari Gaashaaman oo taangiyo ka mid yihiin oo si hordhac ah u soo gaaray Muqdisho, waxaana hubkaasi loogu talagalay Ciidamada Naajeeriya oo muqdisho ku soo jeeda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Markabka laga dejinayo Konteenaro ay ku jiraan hub, Saanado kale Milateri oo kala duwan iyo Gaadiidka Gaashaaman, gaadiidka Beelaha oo noocyo Casri ah iyo Taangiyo.

Ururka Midowga Afrika ayaa la sheegay inay hubkan soo direen si hordhac ah ciidamo ka socda dowladda Naajeeriya oo maalmaha soo socda la xaqiijiyey inay soo gaarayaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan howlgalada AMISOM.

Ciidamada ka imaanaya dowladda Naajeeriya ayaa isugu jira Boolis iyo Militari waxaana la sheegay in la dajin doono deegaanada gobolka Sh/dhexe si ay kaga qeyb qaataan howlgalada Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698