Dowladda Ingiriiska ayaa casuumaad aan waqtigeeda la sheegin u fidisay Madaxweynaha cusub ee dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, taas oo uu ku tagayo magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska, si uu kulan ula yeesho Ra’isul wasaaraha Ingiriiska iyo mas’uuliyiin kale oo ka socda dowladda Ingiriiska.
Qoraal uu shalay soo saaray xoghayaha arrimaha dibadda dalka Ingiriiska William Hague ayaa lagu sheegay in dowladda Ingiriiska ay soo dhaweynayso Madaxweynaha cusub ee ay Baarlamaanka Soomaaliya doorteen, kaas oo uu sheegay inuu bilow u yahay isbedel cusub oo Soomaaliya ka dhaca, wuxuuna intaasi ku daray in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya iyo dedaalkii ay dowladda Ingiriisku ugu jirtay xal u helidda arrimaha guud ee siyaasadda Soomaaliya.
Mr. Hague ayaa sidoo kale sheegay in dowladdiisu ay casuumaad gaar ah u fidineyso Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya si ay ugala xaajoodaan arrimaha dalka Soomaaliya iyo sidii ay dowladda Ingiriiska u taageeri laheyd nabad ku soo dabaalidda dalka Soomaaliya iyadoo la dhiirigelinayo xasiloonida gobolka iyo tan Soomaaliya intaba.
Dhinaca kale xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa shaaca ka qaaday inuu Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si uu uga qeybgalo kulan ay yeelanayaan xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kulankaas oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo arrimo kale.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com