Diyaarado dagaal ayaa xalay duqeeyey deegaanka Jannaay Cabdalla oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Duqeymaha ayaa lala beegsaday saldhigyo ay lahaayeen Xarakada Alshabaab ayaa waxaa wararku sheegayaan inay qasaare ka dhasheen duqeymahaasi.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka halkaasi howlgalo baaritaano ka wadaan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Kenya.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xarakada Alshabaab oo duqeymaha xalay lala eegtay saldhigyada ay lahaayeen dagaalyahanadooda.
Ugu danbeyntii Kenya ayaa xoojisay duqeymaha ay la beegsanayso dagaalyahanada xarakada Alshabaab, hase yeeshee waxaa duqeymahaasi qasaaraha ugu badan ka soo gaartaa dadka rayidka ah oo walaac ka qabaan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com