Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegay inay dhawaan la wareegayaan Magaalooyinka Baardheere iyo Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.
Afhayeenka Ciidamada dowladda gobolada Jubooyinka Maxamad Daahir Faarax oo faahfaahin ka bixiyey dagaaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay gobolada Jubooyinka ee ay la galeen Xarakada Alshabaab.
Maxamad Daahir Faarax ayaa sheegay in Ciidamada ka dagaalamaya gobolada Jubooyinka ay yihiin Ciidamo dowladd balse aysan ahayn ciidamo beeleed si gaar ah dad u hoostaga isaga oo cadeeyey inay muddo ku soo tababaranayeen dalka Kenya.
Afhayeenka sidoo kale waxa uu soo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya prof: Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu baaqay inuu sii amba qaado howlaha la dagaalanka Xarakada alshabaab sida uu yiri.
Ugu danbeyntii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya waxay dagaalo ka wadaan gobolada Jubooyinka dagaaladaasoo ay hadafkiisu ku sheegeen saraakiisha dowladda sidii ay kula wareegi lahaayeen magaalooyinka Kismaayo iyo Baardheere.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com