Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumer geele ayaa si weyn usoo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Somaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
Mr Geelle Madaxweynaha Jabuuti ayaa si weyn usoo dhaweeyay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimada Soomaaliya oo shalay ilaa xalay ka dhacday Muqdisho, isagoo u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee la doortay .
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in shacabka Jabuuti ay taageero dhan walba ah la garab taaganyihiin shacabka reer Jabuuti wuxuuna madaxweynaha uu hadalkaan ka jeediyay Telefishinka qaranka dalka Jabuuti kadib markii xalay la dhaariyay madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud.
M/waynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ayaa waxaa uu yahay Madaxwayne Markaas lagu sheegay in uu aad u garab taagan yahay Bulshada soomaaliyeed uuna aad u daneeyo in ay umada Soomaaliyeed hesho Dowlad Buuxda oo aan KMG ahayn waxaana sidoo kale ayana soo dhaweeyay dowlado iyo Ururo badan
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com