Maxamed C/laahi Farmaajo oo soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya
Soomaalinews.com 11 Sep 12, 10:56

Kadib shir jaraa’id uu maanta Muqdisho ku qabtay Ra’iisul Wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wuxuu ka hadlay dooorashadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho sidoo kalen soo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya uu yeeshay.



Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Madaxweynaha cusub ee uu dalka Soomaaliya yeeshay isaga oo sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo Madaxweynaha dalka Soomaaliya.



“Shacabka Soomaaliyeed hala shaqeeyaan hogaanka cusub ee uu iminka dalka Soomaaliye yeeshay si uu uguto howlaha shaqada ee horyaala”



Sidoo kale Maxamed C/laahi Farmaajo oo ay saxaafada su,aalo ka weeydiisay sida uu u arko doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku jawaabay in shalay ay aheyd Isniin maantana ay tahay talaado.



Hadalka Farmaajo ayaa umuuqda mid si maldahan uu ugu hadlay arinta ku saabsan doorashada shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho oo uu xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya uu ku guuleestay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.



Madaxeynaha cusub ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu ku guuleestay xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya waxaa isa soo tarayay hambalyada iyo bogaadinta loo jeedinaayo ee ku aadan xilka uu ku guleestay.


 

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698