Madaxweynaha Cusub Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Caawa lagu dhaariyey Xarunta Gen: Kaahiye, isagoo qudbad uu jeediyey u mahadceliyey Baarlamanka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dareenkiisuna la soo koobi Karin guusha uu ka gaaray tartanka doorashada Madaxtinimada Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka doorashada u dhacda wuxuuna isla caawa xilkii Madaxweynimo ku wareejiyey Madaxweynaha Cusub Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
“Waa la iga guuleystay waana aqbalayaa inaan xilka wareejiyo waliba isla haddda ayaa ku wareejiyey Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya walalkey Xasan Sheekh Maxamuud” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com