Magaalada Muqdisho oo rasaas iyo madaafic isqabsaday.
Soomaalinews.com 10 Sep 12, 18:59

Xili daqiiqado ka hor Madaxweynaha Cusub Dalka Soomaaliya loo doortay Xasan Sheekh Maxamud waxaa magaalada is qabsaday rasaas iyo madaafiic aad u xoogan.

Dadka shacabka ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ayaa banaanada u soo baxay iyagoo dareen cabsi leh ka muujinaya rasaasta iyo madaafiicda oo u muuqata mid lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay codadka ay kala Helen labada musharax ayaa sheegay in Xasan Sheekh Maxamuud uu helay 190 cod, halka Shariif Sheekh Axmed uu helay 79-cod.







Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698