Sidee u kala heleen Musharaxiinta Codadka wareega koowaad.
Soomaalinews.com 10 Sep 12, 15:22

Waxaa la soo gabagabeeyey goordhow Weerarii koowaad Doorashada Madaxtinimada Dowladda Somaaliya, waxaana codadka la kala helay ugu horeya Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Musharaxiinta ka agta dhow codadka uu helay Shariif Sheekh Axmed, waxayna codadka u kala heleen sidan:

1: Shariif Sh Axmed: 64
2: Xasan Sh Maxamuud: 60
3: C/weli Maxamed Gaas: 31
4: C/Qaadir Cosoble Cali: 26
5: C/laahi Axmed Cadow: 24
6: C/Raxmaan Baadiyoow: 21
7: Maxamed C/Laahi Farmaajo: 14
8: Axmed Ismaaciil Samatar: 8
9: Yuusuf Garaad: 8
10: C/waaxid Cilmi Goonjeex: 3
11: Maxamed C/weli Sh Yuusuf Direed: 3
12: Cumar Salaad Cilmi: 2
13: Xaji Maxamed Yaasiin: 2
14: Cusmaan maxamed Gacal: 1
15: Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi: 1
16: Siciid Ciise Maxamud: 1
17: Maxamed C/llaahi Oomaar: 1

FG: Magacyada Musharaxiinta aan xusin magacyadooda haba yaraatee wax cod ah ma helin.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698