Wareegii koowaad oo la soo gabagabeeyey Hogaaamiye kooxeedyadii oo codeeyey iyo Musharaxiin Wadnaha farta ku haya.
Soomaalinews.com 10 Sep 12, 13:33

Waxaa goordhow la soo gabagabeey codeynta wareega koowaad Codeynta Doorashada Madaxweyanaha Soomaaliya, iyadoo ay wadnaha farta ku hayaan Musharaxiinta u tartamaya xilkaasi.

Xarunta Gen: Kaahiye oo ah halka doorashada ay ka socoto waxaa la soo gabagaabeeyey codeynta wareega koowaad, waxaana xildhibaanada Codeeyey ka mid ahaa Xildhibaanadii hogaamiye kooxedyadii maanta loo ogolaaday inay Baarlamanka ka mid noqdaan.

Wufuud heer caalami ah ayaa ku sugan goobta waxaana la filayaa in la guda galo tirinta codadka si wareega koowaad loogu kala baxo, waxaana xubnaha isku soo baxa ay gali doonaan wareega labaad sidaas ayuuna ku sii socon doonaa ilaa laga soo gabagabeeyo mid ka mid ah musharaxiintaasina guuleysto.

La soco wixii ku soo kordha.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698