Guddoomiyihii Majmaca Culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow ayaa habeenkii xalay ahaa ku Geeryooday Magaalada Muqdisho isagoo Xanuunsanaa sida ay war baahinta u sheegeen Eheladiisa.
Guddoomiyaha ayaa muddooyinkii u danbeeyay aad u xanuunsanayay isagoona la sheegay inuu hayay Xanuunka looyaqaano dhiirkarka kaasoo habeenkii Xalay ahaana uu u geeryooday.
Sheekh Dhicisow ayaa iminka waxaa la qaban qaabinayaa Aaskiisa iyadoona la filayo in lagu Aaso Xabaalaha Gubta ee Duleedka Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Hay’ada culumada Soomaaliyeed Sheekh Axmed Dhicisow ayaa waxaa uu ka mid ahaa Culumadii sida aadka ah uga soo horjeeday Dastuurkii qabyaqoraalka Soomaaliya ee dhawaanta la ansixiyay isagoo mar walbana ku baaqi jiray in laga hor yimaado oo aan la oggolaan Dastuurkaas iyo meel marintiisa.
Ugu danbeyntii qaar ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa waxa ay Tacsi u direen Eheladii iyo Asxaabtii uu kabaxay Sheekh Axmed Cabdi Dhicisow oo ka mid ahaa Culumada Soomaaliyeed.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com