Qarax Bam oo lagu weeraray Askar dowladda ka tirsan.
Soomaalinews.com 08 Sep 12, 08:09

Askar ka tirsan dowladda KMG ayaa xalay lagu weeraray bam gacmeedyo xili ciidamadaasi ay marayeen Xaafada Howlwadaag Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Goob jooge ku suganaa goobtaasi ayaa sheegay qaraxa inuu sababay khasaare Dhimasho iyo dhaawac gaaray Askartii lagu weeraray iyo dad rayid ah oo goobta ka agdhawaa.

Saraakiil ka tirsan dowladda KMG maamulka Hiiraan ayaa sheegay qaraxa inay u qabteen laba ruux oo dhalinyaro ah kuwaasi oo ay ku tuhmayaan inay ka danbeeyeen weerarkii bambaano xalay lagu qaaday gaari ay la socdeen Ciidamada dowaldda KMG.

Si kastaba Askarta dowladda KMG dhowr jeer oo hore waxaa lagu weeraray qaraxyo kala duwan oo miinooyin iyo bamgacmeedyo kuwaasi oo khasaare kala duwan ka soo gaartay Askarta dowladda KMG iyo dad shacab ah oo goobahaasi ka agdhow.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698