Qoysaskii ka barakacay Kismaayo oo gaaray deegaano ka tirsan gobolka Jubada Hoose.
Soomaalinews.com 08 Sep 12, 07:59

Dad u badan haween, carruur iyo dad waayeelo ah oo ka barakacay cabsida duqeymaha iyo colaadaha ka jira hareeraha magaalada Kismaayo ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay gaaray degmooyinka Afmadow, Dhoobley iyo deegaano kale oo isla Jubbada Hoose ka tirsan.

Deegaannada ay sidoo kale gaareen gaareen dadkaan ka barakacay Kismaayo waxaa kamid ah degmooyinka Jammaamme, Jilib, Kamsuuma iyo tuulooyinka ku yaalla jiinka wabiga Jubbada, waxaase sidoo kale jira dad iyaguna gaaraya dhanka degmooyinka Afmadow iyo Dhoobley.

“Aniga waxaan ka soo barakacay magaalada Kismaayo, hadda waxaan joogaa degmada Jammaame, waxaan wataa 3-carruur ah, waxaan ahayn dad xoogsata ah, carruurta aabbahood Kismaayo ayaan uga soo tagay.” Ayay tiri haweeney ka mid ahayd dadkii barakacay.

Barakaca dadka ka baxsanaya colaadaha ku soo wajahan magaalada Kismaayo ayaa wali ka socda magaalada.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698