Ciidamada Badda Midowga Yurub oo howlgalo dhinaca dhulka ku qaaday saldhig ay leeyihiin Kooxaha Burcad Badeeda.
Soomaalinews.com 08 Sep 12, 05:46

Ciidamada Badda Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa weerar dhinaca dhulka ah ku qaaday saldhig ay leeyihiin kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ee dhibaatada ku haya maraakiibta Caalamiga ah ee isaga kala goosha Biyaha Soomaaliya iyo kan Caalamiga ah.

Wararka waxay sheegayaan weerarka Ciidamada Badda Midowga yurub kuu qaaday bariga Soomaaliya saldhig ay ku leeyihiin kooxaha Burcad Badeeda ka dhalan wax khasaare ah.

Admiral Duncan Potts oo ah Taliyaha ciidamada Badda Midowga Yurub ayaa sheegay in weerarkaasi oo dhacay talaadadii la soo dhaafay ay ka dambeeyeen ciidamadooda, isagoo sheegay inay kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida.

“Ciidanka midowga Yurub kuma koobnaan doonaan kaliya badda iyo Cirka dhulkana waan kala dagaalamaynaa kooxaha Burcad Badeeda” ayuu yiri Admiral Duncan Potts.

Ugu danbeyntii golaha Midowga Yurub ayaa bishii March 23-kedii u fasaxeen in ciidamadooda ay weerari karaan goobaha ay ku sugan yihin Burcad Badeeda Soomaalida.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698