Qarax xoogan ayaa xalay ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya lagula eegtay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoona qaraxaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.
Warar aan ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxaas lala beegsaday ciidamo katirsan dowlada Soomaaliya kuwaas oo kusugnaa gudaha magaaladda.
Goob joogayaal ayaa sheegay in mid kamid ah askartaas uu dhintay ilaa sedex kalana dhaawac uu kasoo gaaray, iyadoona qaraxaas lagu eedeeyay Kooxda Shabaab.
Taliyaha Ciidamada Booliska qeybta gobolka Bay Mahad C/Raxmaaan Aadan ayaa sheegay in qaraxas uu ahaa bambo nooca gacanta laga tuuro ah oo ay Shabaab ka danbeeyeen sida uu hadalka udhigay.
“Mar mar waa iska dhacaan falal ay gaystaan kooxdaas waana ogtihiin oo intii ay halkan joogeen dad badan ayay beereen oo wax walba waa iska dhici karaan laakiin waa wax fulaynimo ah”ayuu sheegay Sargaalkan uhadlay ciidamadda dowlada Baydhabo.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada dowlada ay howlgalo ka wadaan magaaladda si amaanka loo xaqiijiyo ayna ogolaan doonin in dhibaato ay soo gaarto dadka shacabka ah.
Dhanka kale Rag hubaysan ayaa habeen kahor weerar xoogan ku qaaday guriga uu magaaladda Baydhabo ka degan yahay gudoomiyaha maamulka dowlada ee baydahbo Xasan Macalin Biikole.
Weerarkaas ayaa waxaa dhaawac uu kasoo gaaray labo kamid ah ilaalada gudoomiyaha, lamana oga qasaaraha soo gaaray kooxdii weerarka soo qaaday iyo cida ay ahaayeen
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com