Waxaa xaallad Degaanaanshiyo ah laga dareemayaa Deegaanadii ay Dagaalada ka socdeen ee Gobollada Jubbooyinka maalmihii ugu Dambeeyay. Aadan Shire Rufle oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo la hadlay Idaacaddaha ayaa waxa uu sheegay in xaalad Degaansho ah laga dareemayo Deegaanadii ay Dagaalladu ay ku dhex mareen Ciidanka Dowladda kuwa Kenya oo iyagu qeyb ka ah Ciidanka AMISOM iyo sidoo kale Ururka Al-Shabaab.
Deegaanka Birta dheer oo hoos taga gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa saaka laga dareemayaa Xaallad Dagaananshiyo ah .
Aadan Shire waxa uu tilmaamay in Degaanadii lagu dagaalay ay gacanta ku hayaan Ciidanka Dowladda iyo sidoo kale ku AMISOM ay xaaladdooduna tahay mid Wanaagsan.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Deegaanado hoos taga Gobolka Jubbada Hoose ka Soconayay Dagaallo iyo waliba Duqeymmo u dhexeeya ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo walib Ururka Al-shabaab
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com