Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo rajo wanaagsan ka muujiyay in doorshada ay si nadiif ah u dhacdo
Soomaalinews.com 07 Sep 12, 08:46

Dhageyso:-Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamed Cisman Jawaari oo wareysi siinayay Idaacaddaha waxa uu ka hadlay qaabka ay u dhaceyso doorashada la filayo in dhawaan ay ka dhacdo magaalada Muqdisho.


 



Halkaan ka Dhageyso warkii oo dhameystiran


Waxaa uu tilmaamay Guddoomiyaha in uu rajeynayo in doorashada ay u dhacdo qaab caddaalad ah oo aysan ku jirin wax Musuq maasuq ah sida uu sheegay .


Prof: Maxamed Cisman Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ay la socon doonaan qaabka ay u dheceyso doorashada si ay uga ilaaliyaan wax Musuq maamuq ah oo ka dhaca Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.


Seddax Cesho kadib waxaa lagu wadaa in Muqdisho ay ka dhacdo Doorashada Madaxweynaha Dalka .


Muqdisho waxaa ka soconaya diyaar garoowgii ugu dambeeyay oo ay Musharixinta ugu jirtaan in ay kaga mid noqdaan Doorashada iyo in mid waliba oo kamid ah Musharixiintaasi uu ku dadaalayo in uu isagu noqdo Madaxweynaha Dalka Soomaaliya

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698