Qarax aad u xoogan ayaa xalay ka dhacay Magaalada Marka ee xarunta gobolka sh/hoose, qaraxaasoo sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la galiyo ayaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya xili ay howlgalo ka wadeen xaafadaha magaaladaasi.
Waxaa la sheegay qaraxaasi inay ku dhinteen askar iyo dad shacab ah oo goobtii ku sugnaa iyadoo dad kalena ay dhaawacyo ka soo gaareen, waxaana dadkii dhaawacmay la gaarsiiyey isbitaalka Magaalada Marka.
Ugu danbeyntii ma ahan markii ugu horaysay Ciidamada dowladda KMG qaraxyo lagu weeraro Xaafadaha Magaalada Marka oo ay dhawaan la wareegeen.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com