Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in la tixgeliyaa goaankii kasoo baxay Maxkamada sare ee dalka kaasoo ahayd diidmadii guddiga Farsamada ay diideen qaar ka mid ah hogaamiye kooxeedyadii hore Soomaaliya, taas oo ay maxkamadu goaan ku gaartay in xubnahaasi ay ka mid noqon karaan Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay Maxkamada sare dalka inay tahay hay’ada ugu saraysa ee Garsoorka dalka, islamarkaana la qaataa go’aankeeda iyadoona la marsiinayo Baarlamanka Soomaaliya.
“Waa in la tixgeliyaa go’aankii Maxkamada Sare ee dalka..” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed mar uu ka hadlayay muranka wali ka taagan xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ee guddiga Farsamada is hortaaga ku sameeyey.
Ugu danbeyntii hadalkan ka soo baxay Shariif Sheekh Axmed ayaa imaanaya xili wali muran iyo is qabqabsi uu ka jiro qaar ka mid ah Xubnihii hogaamiye kooxeedkii hore ee laga horistaagay inay ka mid noqdaan Baarlamanka Cusub ee Soomaaliya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com