Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu ka qeyb galay Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Itoobiya Meles Zanawi oo shalay lagu aasay Magaalada Addis Ababa.
Shariif Sheekh Axmed ayaa markii uu soo laabtay warbaahinta la hadlay isagoo soo dhaweeyey dagaalada ka socda gobolada Jubooyinka iyo Sh/hoose.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed haatana ah musharax u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa ku booriyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG inay sii wadaan dagaalada ay kula jiraan Xarakada Alshabaab sida uu yiri.
Sidoo kale la wareegitaanka Magaalada Marka iyo Degmada Shalanbood waxa uu ku tilmaamay guulo ay gaareen Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM, wuxuuna ugu baaqay inay muddo gaaban kula wareegaan magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose sida uu hadalka u dhigay.
Ugu danbeyntii Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigiisa oo si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho ayaa dib u soo laabashadiisa waxay imaanaysaa xili ay dagaalo culus ka socdaan gobolada Jubooyinka iyo duleedka Magaalada Marka gobolka Sh/hoose.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com