Warar hadda naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in Maraakiib dagaal oo ku sugan xeebaha magaaladaasi ay duqeyn culus ku bilaabeen Magaalada.
Duqeynta ayaa la sheegay inay hadda socoto lamana kala cada khasaaraha ka dhashay duqeymahaasi.
Ugu danbeyntii wixii ka dambeeyey meydadkii Ciidamada Kenya ee lagu soo bandhigay Magaalada Kismaayo waxay xoojiyeen Ciidamada Cirka, Dhulka iyo Badda dalka Kenya inay duqeyn ba’an ka geystaan magaalada Kismaayo iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolada Jubooyinka oo xaalado dagaal ay ka jiraan.
Wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com