Magaalada Afmadow waxaa gaaray gaadiid dagaal oo gaaraya 42-baabuur oo oo tikniko ah iyo ciidamo aad u badan oo hubeysan, kuwaas oo ka soo baxay dhanka magaalada Dhoobley, waxaana la sheegay in gaadiidkaasi intooda badan ay ahaayeen ciidamo Kenyaan ah oo gurmad ahaan loo dalbaday halka kuwa kale ay ahaayeen ciidamo ka tirsan ururka Raskamboni oo ka qeyb ah ciidamada huwanta ah ee ka dagaalamaya Jubbooyinka ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.
Sida warku sheegayo ciidamadan ayaa qaar ka mid ah waxay u gudbeen jiidaha hore ee dagaalka, halka kuwo kale ay fariisimo ka sameysteen gudaha degmada Afmadow oo ay sedex habeen ka hor la wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab, balse ka baxay markii dambe, halkaasina uu ka dhacay dagaal qaraar oo gacanta la isula tagay.
Dhinaca kale waxaa weli sii socda duqeyntii ay ciidamada Kenya ku hayeen magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhowdhow ee ay dagaaladu ka socdaan, waxaana la sheegay in dad rayid ay ku dhinteen duqeyntii ugu dambeyd ee ay ciidamada Kenya ka geysteen deegaanadaasi, waxaana la sheegay in duqeynta ay noqotay tan iyo bilowgii usbuucan isdaba-joog aan kala go laheyn.
Dhanka kale dagaalo goosgoos ah iyo dagaalo culus ayaa shalay ka dhacay deegaanka Miido oo ay muddooyinkan ku hardamayeen dhinacyada iska soo horjeeda, waxaana la sheegay in deegaankaasi ay sidoo kale duqeyn ba’an ku hayaan ciidamada Kenya oo ka duqeynaya dhinaca cirka iyo dhulka intaba, waxaana la ogeyn khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi, maadaama uu deegaankaasi uu yahay meel howd ah oo ay dhirbadan ka baxday.
Xaalada Dalka Kenya ayaa maraysa meel halis oo aan dib loogu noqon karin, waxaanada fashil ku socoda dagaalkii lagu tirtir lahaa Ciidmada Al-shabaab iyaga oo hada dagaalkii u wareejiyay Gudaha dalka Kenya.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com