Xildhibaanada Cusub oo wada qorshe ay ku doonayaan in Musharaxiinta Xilka Madaxweynenimo u tartamaya ay araajidooda soo raaciyaan.
Soomaalinews.com 03 Sep 12, 09:21

Warar naga soo gaaraya Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Xildhibaanada Cusub ee Baarlamanka Soomaaliya ay wadaan qorshe ay ku doonayaan inay Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynimo ay araajidooda soo raaciyaan.

Musharaxiinta oo laga sugayo araajidooda ayay xildhibaanadu qaarkood sheegeen inay soo raaciyaan Warqadaha Caafimaadkooda (Medical Report), waxayna qorshahan oo ah mid cusub loo gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamanka Cusub Prof: Maxamad Cismaan Jawaari.

Qorshahan Cusub ay wadaan Xildhibaanada Baarlamanka ayaa laga doonayaa in lagu ogaado Caafimaadka musharaxa u tartamaya Xilka madaxweynaha Soomaaliya si loo ogaado maskaxdiisa inay tahay mid taam ah oo guud ahaan Caafimadkiisa uu wanaagsan yahay.

Lama ogaan karo in Guddoomiyaha Cusub Baarlamanka Soomaaliya uu ogolaan doono dalabka ay u soo gudbiyeen Xildhibaanada Cusub qaarkood oo shuruud ku xiraya musharaxa madaxweynaha in Araajidooda ay soo raaciyaan warqadaha Caafimaadka.

Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka madaxweynaha ayaa warar hoose waxay sheegayaan in aysan wanaagsanayn caafimaad ahaan xaaladooda caafimaad dhanka dhimirka, waana sababta ugu weyn ee la doonayo in la ogaado musharaxa in dhimirkiisu uu wanaagsan yahay si haddii loo doorto shaqada u hanan karo.

Ugu danbeyntii Xildhibaanada Cusub ayaa dhowr arrimood hirgeliyey, iyadoo qorshahan cusub aan la ogayn inuu dhaqan gali doono, waxayna imaanaysaa xili 7 maalmood ay ka hartay xiliga Doorashada.




Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698