War hadda naga soo gaaray Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in duleedka magaaladaasi uu ka qarxay dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada AMISOM iyo Xarakada Alshabaab.
Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay inuu ka socdo duleedka magaalada, iyadoona magaalada dhexdeeda ay soo gaarayaan rasaasta dagaalka.
Weerarka dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada AMISOM weerar ku qaaday fariisimo Ciidamada Xarakada Alshabaab ay ka samaystay duleedka Magaalada Marka.
Lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalada culus oo hadda ka socda duleedka magaalada Marka.
Wixii ku soo kordha la soco.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com