Lix qof ayaa ku dhimatay, shan kalena way ku dhaawacantay Qarax Bambaano oo xalay iyo saakay ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxa xalay ayaa yimid kadib markii bambaano lagu tuuray goob ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda KMG Soomaaliya, waxaana ku dhintay shan ruux oo rayid ah xili ay dadkaasi rawaxayeen.
Goobjoogayaal ayaa sheegay dadka dhintay saddex ka mid ah ay ahaayeen haween, kuwaasoo isugu jiray Ganacsto iyo dad shacab ah, dadka dhaawacmay waxaa loo qaaday isbitaalada magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale waxaa saaka suuqa Bakaaraha laga maqlay qarax bamgacmeed laga tuuray, waxaana ku dhintay hal ruux oo rayid ah, iyadoo ay jiraan dhawacyo.
Ciidamada Dowladda KMG ayaa goobta soo gaaray halkaasina ka bilaabay howlgal baaris ah.
Lama oga qasaare inay ka soo gaartay Ciidamada dowladda KMG qaraxa lagu weeraray.
Ugu danbeyntii ma jirto cid sheegatay masuuliyada weerarada qaraxyada xalay iyo saaka ka kala dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com