Ururka Ahllusuna oo sheegay inay sameynayaan hal Maamul oo ay ku Midaysanyihiin Maamullada ka jira Gobollada dhexe ee Dalka.
Soomaalinews.com 31 Aug 12, 11:42

Shiikh Ibraahim Shiikh Xasan Guureeye oo ka mid ah Mas,uuliyiinta Ahlu sunna ee Gobolada Dhexe ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay Odayaasha iyo Waxgaradka Deegaanadaasi ay ku qancinayaan taasi oo ah inay ku dhawaaqaan Maamul Goboleed cusub.


Waxaana uu xusay inay jiraan Maamullo badan oo ka dhisan Deegaanada Gobollada Dhexe ee Dalka,isagoo sheegay inay ugu yeerayaan Maamuladaasi inay ka qeyb qaataan dhismaha Maamulkaan cusub laguna mideeyo sida uu hadalka u dhigay.


Waxaana uu rajo ka muujiyay inay la Midoobaan Maamullada ka dhisan Gobollada Galgaduud Mudug iyo Hiiraan sida uu shaaciyay.



Dhanka kale Shiikh Ibraahim Xasan Guureeye wuxuu sheegay in qorshaha ugu Weyn oo ay wadaan inuu yahay mideynta Gobollada Galgaduud Mudug iyo Hiiraan islamarkaana ay ku dhawaaqayaan hal maamul oo lagu mideysan yahay.



Gobollada Dhexe ee Dalka waxaa ka jira Maamul Goboleedyo badan,waxaana hadalka uu ka dhawaqajiyay Mas,uulkaan ka tirsan Ahlu sunna uu imaanayaa iyadoo laga sugayo sidii Dadka Deegaanka ay kaga dhaadhicin lahaayeen sameynta Maamulkaasi.


Dhanka kale Maamulka Ximin iyo xeeb ayaa ka hadashay arintan waxaana ay sheegeen in ay tahay arin aan la,aqbali karin



Cilmi kulane oo ah Wasiirka Amniga ee Maamulka Ximin iyo Xeeb oo la hadlay soomaalinews.com  ayaa ka hadlay hadal kasoo yeeray Maamulka Ahlu sunna ee Gobolka Dhexe kaasi oo ahaa inay ku dhawaaqayaan Maamul ay ku mideysan yihiin maamulada ka jira Gobolada Dhexe ee Dalka.


Ka dib markii Mas,uul ka tirsan Ahlu sunna uu sheegay in Wadahadal Dhanka xiriirinta Maamulka uu dhexmaray Maamulka Ahlu sunna iyo Ximin iyo Xeeb ayuu sheegay Wasiirka inay jiraan wada hadalo Dhexmaray Maamullada iyo Waxgarad Deegaanadaasi laakiin waxa uu beeniyay inuu jiro qorshaha ah in lagu mideynayo Maamuladaasi.


Waxaana uu sheegay in wax aan la aqbali Karin ay tahay hadalka kasoo yeeray Maamulka Ahlu sunna sida uu hadalka u dhigay



Hadalka Wasiirka Amniga ee Maamulka Xumin iyo Xeeb ayaa imaanaya iyadoo Mas,uuliyiinta Maamulka ahlu sunna ay sheegeen inay mideynayaan Maamulladaka jira Gobolada dhexe ee Dalka Soomaaliya.

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698