Madaxweynihii Hore ee Dalka Soomaaliya DR Cabdi Qaasim Oo Soo Dhaweeyay in Dalka Uu Kabaxo KMG
Soomaalinews.com 31 Aug 12, 11:22

Madaxweynihii hore ee dalka Soomaaliya Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo haatan ku sugan Dalka Dibadiisa ayaa waxaa waxa uu hormar kutilmaamay in Dalka uu kabaxo KMG oo uu in mudaa uu ku soo jiray.


Waxa uu tilmaamay Cabdi Qaasim in laga baxo KMG ay qaadatay waqtibadan taas oo loogu dhabar adeegan sidii looga bixi lahaa KMG tasoona ugu danbeentii keentay in maanta uu dalka kabaxo KMG Dalkana uu yeesho Dowlada aan KMG aheen.


Cabdi Qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya ayaa si aad u soodhaweyay kabixida KMG wax wanaagsana ay tahay sida uu sheegay oo mudan in lagu farxo uuna soo dhaweynayo arinkaan waxana uu intaa raaciyay in haatan ay imaaneyso Dowlada iyo Baarlamaanka waqti Go,anleh.



Mar uu kahadlaayay Doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqay Baarlamaanak Soomaaliya in ay soo doortaan Madaxweyne Aqoonleh kasaao oo ka soobixi kara howsha loo idmaday Dalkaan iyo Dadkaanba dhibaateesan ka samatabixo kasoona soo dhisi kara Ra,isalwasaare sidoo kale wax u qabta isna umada Soomaaliyeed ee dhibaateesan waxaana uu kaga digay Baarlamaanka Soomaaliya in ay Madaxweynaha lafilaayo in la doorto ay u doortaan Dan Shaqsiyadeed.


Waxa uu ugu danbeentii sheegay Cabdi Qaasim Salaad Xasan Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya in Madaxweynaha iyo Ra,isalwasaaraha ay kala yeelan karaan labo fakir lakiin uu ahaa mid kusaleesan sharciga dhibaatana aan u keeneen Shacabka Soomaaliya.


Hadalkan Madaxweynihii hore ee Dalka Soomaaliya Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa waxa uu imaanayaa xilli waqtiyada soo aadan la filaayo in Dalka uu yeesho Madaxweyne Cusub kaas oo ay Dooran doonaan Baarlamaanka Soomaaliya

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698