Resal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga oo Xarakada Shabaab ku eedeeyay in ey ka danbeeyaan qalalaasaha ba’an ee ka jira magaalada labaad ee ugu dalka Kenya ee Mombasa,
Mr Odinga ayaa sheegay in dad ka tirsan Al-Shabab ay lug ku leeyihiin rabshadaha willi ka jira Mombasa waxaana hoosta ka xariiqay in dadka rabshadaha wada ay hormuud u yihiin xubno ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabab.
Raila Mar uu saxaafada la hadlayay ayuu sheegay in shabaab ay rabshado waa weyn ka abaabuli rabaan deegaanka.
“Waxay doonayaan inay bulshada Kenya kala qeybiyaan oo ay u kala saaraan Muslimiin iyo Kirishtan is dagaala waa inaad ka hor tagtaan” ayuu yiri R/wasaaraha Kenya.
Hay’adaha amaanka ayuu sheegay Raila Odinga inay ogaadeen in xubno taabacsan Al-Shabab ay ku dhex jiraan dad rabshadaha magaalada Mombasa ka wada waxaana uu intaa ku daray in xogta ay hayaan in Shababku ay dambeeyaan dilkii wadaad Muslim ahaa oo dhawaan lagu dilay magaalada Mombasa.
Raila Odinga waxaa uuu xusay in dawladiisu ay ka hor tagayso falalka Shababku ka wadaan gudaha dalkiisa sida uu hadalka u yiri.
Sikastaba Rabshadaha ka jira magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya oo ka dhashay dil ay koox hubeysan u geysteen wadaad horey loogu eedeeyay inuu Al-Shabab taageero ayaa cirka isku shareertay waxaana rabshaduhu yihiin kuwo ay ka dhasheen khasaaro nafeed.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com