Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa kamid ah Xubno ku dhow 15 kuwaas oo dhawaan ay maxkamada sare ee dalka ay xakuntay in ay kamid noqdaan Xildhibaanada Cusub.
Qaar kamid ah Xubnahaas ayaa kusygnaa hoolka shirka ee kulankii ay yeesheen barlamaanka cusub shalay oo Khamiis ahayd, waxaase xusid mudan in aysan kaalin kulahayn kalfadhiga barlamaanka.
Waxaa lagu hordhaariyay Xildhibaano kale oo cusub halka markii iyaga la dhaari lahaa ay ku oriyeen xildhibaanada qaar gaar ahaan gudgigii farsamada soo xulista barlamaanka.
Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in aysan jirin cid ka hor istaagi karta in ay noqdaan Xildhibaano maadaama maxkamada sare ee dalka ay dacwadaas qaaday.
Hogaamiyahan kasoo jeeda goboladda Bay iyo Bakool ayaa sheegay in aysan jirin cid dhihi karta “waxaad tihiin hogaamiye kooxeedyo”, taasna ay maxkamada sare ka nadiifisay.
Hogaamiyaashii dhanka dagaalka dalka ayaa dhawaan la siiyay kaaararkoodii aqoonsiga iyagoo sugaya in dhawaan loo dhaariyo xildhibaananimo inkastoo gudi loo saaray howshooda maadaama wali khilaaaf uu ka taagan yahay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com