Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya
Soomaalinews.com 30 Aug 12, 09:30

Xildhibaanada Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeelanaya xarunta Iskuul Buluuziya ee Magaalada Muqdisho.


Kulanka maanta ayaa waxaa kasoo qeybgalaya xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya iyadoo ujeedka kulanka uu yahay sidii loo diyaarin lahaa doorashada Madaxweynaha dalka.


Waxyaabaha looga hadlaya kulanka maanta ayaa la sheegay inay xildhibaanada kaga hadli doonaan arimo ay ka mid yihiin magacaabista guddiga doorashada Madaxweynaha.


Sidoo kale waxaa la filayaa inay kaga hadlaan arimo la xiriira waqtiga ay dhacayso doorashada Madaxweynaha Dalka Soomaaliya.


Waxaa markii ugu horeysay shir gudoomin doono Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo ku xigeenadiisa.


Qaar ka mid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa rajo ka muujiyay waxyaabaha kasoo bixi kara kulanka maanta ee baarlamaanka Soomaaliya.



Fadhiga Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ay maanta Muqdisho ku yeelanayaan ayaa wuxuu yahay kii ugu horeeyay oo iyaga oo leh Guddoomiye Baarlamaan ku shiraya Muqdisho tan iyo markii lasoo magacaabay xubnaha baarlamaanka

Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698