Farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.
Soomaalinews.com 29 Aug 12, 10:58

Ra’iisul Wasaarihii hore Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Maxamad Farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyey doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa, isagoo sheegay inay ku dhaceen doorashooyinkaasi qaab cadaalad ah.

Farmaajo ayaa wuxuu sheegay inuu u hambalyeynayo Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Mr. Jawaari iyo ku xigeenadiisa, sidoo kalena sheegay inay Doorashadii ka dhacday Janaraal Kaahiye u dhacday qaab daacad ah oo uu soo dhawaynayo.

Musharax Farmaajo waxa uu sheegay in Mr. Jawaari uu yahay nin qaban kara jagada loo doortay, islamarkaana ah nin aqoon leh oo xaalada dalka Soomaaliya in badan la socday.

Sidoo kale Maxamad Cabdullahi Maxamad Farmaajo waxa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamanka cusub inay u doortaan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo doorashada la filayo inay dhacdo 5-ka September.

Wuxuu sheegay Farmaajo intii uu xilka hayay inuu ku guuleystay in uu mushaar u bilaabo ciidamada oo joogto ah, ka hortaga musuq maasuqa, islamarkaan aysan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Shariif oo aan ahayn inay horumariyaan shaqooyinkooda horyaalay.

Sidoo kale Farmaajo waxa uu soo dhaweeyey la wareegitaanka Magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose, isagoo ku booriyey Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG inay dagaalada sii laba jibaaraan si dalka oo dhan ula wareega.

Ugu danbeyntii hadalka Farmaajo waxa uu ku soo aadayaa xili maalintii shalay Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa 42 sano kadib lagu qabto Magaalada Muqdisho doorashadaasoo si cadaalad ah ku soo dhammaatay.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com

©2008 soomaalinews.com  admin@soomaalinews.com :TEL: 00442081800698