Dadka ku nool Caasimada Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka warameen Doorashadii shalay ka dhacday Magaalada Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay mid Farxad iyo guul u horseeday Soomaaliya muddo 40 sano ka badan.
Dadkan oo ka hadlay sida ay u arkaan doorashada ayaa sheegay in Soomaaliya ay gashay xili horumar leh, kadib Doorashadii shalay oo noqotay mid taariikhi ah.
Waxay dadka Reer Muqdisho isku raaceen in Doorashadii shalay dhacday ay tahay mid lagu kalsoonaan karo, iyadoo tusaale u soo qaatay 42 kadib Doorasho ka dhacday Soomaaliya.
Ugu danbeyntii dadkan shacabka ah ayaa ugu baaqay Prof: Maxamad Cismaan Jawaari iyo ku xigeenadiisa oo shalay la doortay inay dadka iyo dalka ku hogaamiyaan si cadaalad ah loogan baxo dhibaatada dalka ka jirta.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com