Iyadoo maalinimadii shalay Ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ay si rasmi ah gudaha ugu galeen Magaalada Marka ayaa wararka aynu halka aka haleyno waxaa ay sheegayaan in Qaraxyo ay ka dhaceen Magaalada marka.
Shalay gelinkii danbe ayaa qarax xooggan oo nooca Miinada Rimotka laga hago ay ka dhacday Bartamaha Suuqa Magaalada Marka qaraxaas oo la sheegay inuu ku dhaawacmay hal Ruux oo Rayifd ahaa.
Qaraxaas kaddib ayaa Saraakiisha ammaanka ee Maamulka dawladda Gobolka Sh/Hoose waxa ay magaalada ku soo rogeen Baandow ka bilaabanaysey Lixda Maqribnimo ee xalay.
Wararka ayaa waxaa ay intaa ku dareen in isla Xalay gudaha Magaalada Marka laga maqlay Laba Qarax oo aad u xoog badan isla markaana ay dadku wada maqleen xilli ay guryahooda ku sugnaayeen.
Maxamed Cumar Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegey in xalay magaaladu ay bandow ahayd isla markaana Ciidamada dawladdu ay halkaa ka sameynayeen baaritaano iyo hawl galo ammaanka lagu sugayo.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa intaa raaciyay in Xaaladdu ay tahay mid sugan isla markaana markii ay halkaa gaareen shacabka ku dhaqan magaalada marka ay si weyn u soo dhaweeyeen.
Si kastaba laba Maalmood ka hor ayaa lagu soo waramay in maamulkii halkaa ka jiray ee Xarakada Al-Shabaab in ay halkaa isaga baxeen iyagoona qabtay dhinaca Degmada Baraawe ee isla gobolka Sh/hoose, waxaana magaalada Marka ka bilowday boob, Bililiqo, Qaraxyo iyo dilal qorsheysan.
Gasho xayeeysiin FREE ah iibka.com